GURIGA »
caalamka
» Madaxweynaha JFS oo caasimadda Talyaaniga ee Roma uga qeybgalayo shirar heer caalami ah
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo
wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.
Madaxaweyne Xasan Sheekh ayaa dalkaas uga qeyb-gaya shirar heer caalami ah
iyo kuwo heer gobol ah oo ka dhacaya Roma.
Shirka ugu weyn ee ka qeyb galkiisa uu madaxweynuhu u tegay Talyaaniga waa
‘Madasha Geeska Afrika iyo Talyaaniga’ oo ka furmeysa Roma.
Madaxda dalalka Geeska Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay ayuu Talyaanigu
ku casuumay madashaas.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka qeyb geli doonaa shir seddax
geesood ah oo u dhaxeeya Talyaaniga, Soomaaliya iyo Itoobiya.
Sida ay shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya shirarka kale ee Madaxweynuhu uu
ka qeyb gali doono waxaa ka mid ah, shirka Qaramada Midoobey oo looga hadli
doono la dagaalanka cunto yarida iyo ka hor tagga macaluusha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda caalamka la wadaagi doona cunto yarida
ka jirta Soomaaliya iyo caqabadaha sababay.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa shirka Qaramada Midoobey ku soo bandhigi doona
warbixin ku saabsan fursadaha balaaran ee dhanka beeraha Soomaaliya, si
caalamku u maal-gashado.
0 Comments:
Post a Comment