Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaaalka Soomaaliya Xamse
Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Indonesia u
qaabilsan Soomaaliya, Dr. Maxamad Hery Saripudin.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Indonesia ayaa intii uu kulanku socday isla
soo qaaday xiriirka qotoda dheer ee u dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii
horumarin lahaa.
Kulanka waxaa si gaar ah loogu dul istaagay muhiimadda ay leedahay in la
dhiirrigeliyo iskaashi mug leh oo dhinacyada dhaqaalaha, dhaqanka iyo bulshada
ah oo dhex mara labada waddan.
Indonesia ayaa ka mid ah dalalka xagga warshadaha horumarka ka sameeyay,
iyada oo sanad waliba badeecado lagu farsameeyay dalkaas loo soo iib geeyo Soomaaliya,
iyada oo ganacsatada Soomaaliyeed ay sanad waliba badeecado kala duwan u
dhoofiyaan.
0 Comments:
Post a Comment