GURIGA »
Bulshada
» MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GOOB-FAGAARE AH KAGA JAWAABAY SU'AALAHA MUWAADINIINTA SOOMAALIYEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud oo ka qeyb-galay Dood-furan oo si toos ah ay shacabka Soomaaliyeed ugu
soo weydiinayeen su'aalahooda la xiriira dowladnimada iyo waxqabadkiisa
sannadkii tagay ayaa soo bandhigay sida ay uga go'an tahay in dalkeennu uu ka
xoroobo argagixisada gaarana horumar muuqda.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in caqabadda ugu weyn ee dib dhigtay dalkeenna
ay tahay argagixisada galaafatay nolasha kumannaan kun oo dadkeenna ah,
caqabaddana ku noqotay nolasha, horumarka iyo wax-wadaqabsiga Soomaaliyeed.
"Sannadkii 2012-kii markii aan xilka nimid waxaan xoreynay deegaanno
badan oo Alshabaab gacantooda ku jiray, caqabado badan baa jiray, casharradii
iyo khibraddii aan kaas ka barannay ayaa maanta saldhig u ah holwgallada aan
wadno. Dadka Soomaaliyeed in ay dagaal ka qeyb-galaan ayaa udub-dhexaad u ah
qorshaheenna maanta iyo guusha aan joogno."
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey nafhurnimada Ciidamada
Soomaaliyeed iyo dadka deegaannada la xoreeyey, waxa uuna xusay mustaqbalka
wanaagsan ee dalkeennu uu leeyahay, markii laga xoreeyo argagixisada iyo rajada
aadka u sarreysa ee uu ku qabo in degdeg loo cirib-tiro khawaarijtaas.
"Alshabaab waxaan kasoo ciriirinnay dhankii Wabigii iyo dhankii Badda,
meel dhexda ah bay ku jiraan, wajigii 1-aad waxa uu ahaa Hirshabeelle iyo
Galmudug, Wajiga Labaadna waxa uu noqon Jubbaland iyo Koonfur-galbeed. Maanta
waxaa Ilaah mahaddiisa ah in gaariga ka soo baxa Jowhar uu cabsi la'aan ku
imaanaya Muqdisho."
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka jawaabay su'aalo laga soo
weydiiyey daafaha dunida oo ku saabsan sarreynta sharciga, wadashaqeynta
hay'adaha dowladda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, dib u heshiisiinta
iyo xiriirka caalamiga ah.
Baarlamaanka; "Taariikhda waa markii ugu horreysay oo Baarlamaanka
Soomaaliyeed ay hal fadhi ku saxiixaan sharciyo gaaraya 11 sharci oo badankood
aas-aas u ah deyn cafinta, maalgashiga iyo dowladnimada. Tani waxay caddeyn u
tahay shaqada adag ee socota."
Arrinta Laascaanood; "Waxaan mudnaanta koowaad siinaynaa in la joojiyo
colaadda socota, la joojiyo dhiigga qulqulaya, kaddibna miis la wada fariisto
oo la wada xaajoodo. Dadka Laascaanood waxaan u haynaa mudnaan gaar ah maadaama
ay calankii buluugga ah ku adkeysanayaan, midnimadana u ololeynayaan. Wax aysan
raali ka ahayn cidna kuma khasbi karto, waxaanse dooneynaa in rabitaankooda
aysan dhiig badan u daadan."
Puntland; "Madasha aan isugu imaanno dowlad-goboleedyada dalka
dhammaantood waa ka soo qeyb-galeen, markii laga reebo kulankii ugu danbeeyey
ee Baydhabo. Hadda saddex Madaxweyne oo dowlad-goboleed ayaan u xilsaarnay in
ay soo dhegaystaan tabashadooda. Ma jiraan wax aan annagu ilaa haatan ognahay,
ama nalala wadaagay oo ku saabsan waxa ay diidan yihiin."
Maqaamkii gaarka ahaa ee Caasimadda "Wali laguma guuleysan, sababtuna
waa qabyo-tirka dastuurka oo aan wali lagu guuleysan. Caqabadaha kale oo jira
waxaa ugu weyn amniga, iyadoo aan xoogga saareyno sidii aan u joojin lahayn
dhibaatada ay argagixisadu ay ku hayso Caasimadda, taas kaddib waxaan ka
shaqeyn doonaa bilicda iyo maamul dhiska."
Xiriirka caalamiga ah, "Dalalka is diiddan ee gobolka iyo guud ahaan
caalamka mid kasta waxaan la nahay saaxiib, mana jirto mid ay colaad nagala
dhexayso, waxaanna diyaar u nahay xitaa dalalka is-diiddan in aan ka
qeyb-qaadanno isfahnkooda."
Kala saaridda awoodaha dowladda; "Awoodaha Ra'iisul Wasaaraha waxay ku
qeexan yihiin dastuurka dalka, shaqada ugu badan ee deyn cafinta iyo xoreynta
dalka waxaa hoggaaminaya Wasaaradaha Maaliyadda iyo Gaashaandhigga, labaduna
waxay ka tirsan yihiin Golaha Xukuumadda, waana shaqada ugu ballaaran ee hadda
socota. Xafiiska Madaxweynaha waxa ka socda waa talo-bixin iyo jiheyn,
shaqadana waxaa fuliya Golaha Xukuumadda."
Doorashooyinka; "Waxaa iga go'an in aynan ku laaban hoolkii Afisyoone,
dowladda qorshe ayaa uga deggan doorashada qof iyo cod. Maanta ayaa bilaabaynaa
geeddi socodka 2026-ka."
0 Comments:
Post a Comment