GURIGA »
caafimaadka
» Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa xarumo caafimaad oo wareegta ah gaarsiisay dowlad goboleedyada dalka qaarkood
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa maanta Xarumaha Caafimaadka
ee guurguura oo loogu talagalay in wax loogu qabto Hooyada iyo Dhallaanka ku
wareejiyey Qaar ka mid ah Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad goboleedyada iyo
Gobolka Banaadir.
Munaasabdda lagu wareejinayey Gawaaridan u samaysan isla markaana u
qalabaysan sida Xarumaha Caafimaad waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirada Caafimaadka
Maamulada Jubbaland ,Koonfurgalbeed, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir, Madax
ka socotey Hay’adda UNFPA iyo marti Sharaf.
Gawaaridan loogu talagaley hanaanka cusub ee Caafimaadka guurguura oo
gaaraya ilaa Shan (5) Gaari ayaa waxbadan ka geysan doona yareytna xaaladaha
dhimasho ee dhaca xilliga dhalmada ee Hooyada iyo waliba wax kaqabashada
xilliyada ay dhacaan tacadiyada iyo kufsiyadda ka dhanka ah Haweenka
Soomaaliyeed taasoo lagula tacaali doono dhibaatadda soo gaarta.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda
Federaalka Dr Ali Haji Aden ayaa sheegey in Gawaaridan qalabaysan ay wax wayn
ka tari doonaan Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka gaar ahaan goobaha lagaynayo
sida magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Doolow Beladwayne iyo Gobolka Banaadir.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya waxaa ka go'an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka
iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka
horumarinta Caafimaadka ee Dowladda.
0 Comments:
Post a Comment