GURIGA »
dhaqaalaha
» Soomaaliya oo shir muhiim ah kaga qeyb gashay dalka Marocco
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cilmi
Maxamuud Nuur ayaa magaalada Rabaat ee dalka Marocco ugu qeybgalay shirka
sanadlaha ah ee Hey'addaha Maaliyadda dalalka Carabta.
Shirkaan ka furmay magaalada Rabaat ee dalka Morocco ayaa ah mid diirada
lagu saarayo arrimaha dhaqaalaha iyo iskaashiga Hay'adaha dhaqaalaha ee dalalka
Carabta.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa la wadaagay Hay'addaha iyo dowladdaha ka
soo qeybgalay shirkaan looga hadlaayo arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya
iyo hannaanka dib u habeynta Maaliyadda.
Wasiir Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay inuu ku booriyay wasiiradda dhigiisa ah
ee dalalka Jaamacadda Carabta iyo hay'addaha kale ee shirkaan ka qeybgalay iney
sii wadaan garab istaaga dowladda Soomaaliya iyo waliba dhameystirka
barnaamijka deyn Cafinta Soomaaliya.
"Waxaan maanta ka qeybgalay shirka sanadlaha ah ee Hey'addaha Maaliyadda
Dalalka Carabta oo maanta ka furmay magaalada Rabat ee Boqortooyada Morocco.
madaxda dowladaha iyo kuwa hey’adaha maaliyadda Carbeed, waxaan warbixin ka
siiyay arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda
dalka" ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cilmi Maxamuud
Nuur.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa intuu ku sugan yahay magaalada
Rabaat ee dalka Marooco kulamo gooni gooni ah la qaadan doona Wasiirada
dhiggiisa ah iyo Madaxda Hay’adaha Maaliyadda Jaamacadda Carabta.
Shirkaan waxaa ka qeyb galaya dowladdo iyo Hay'addo dhaqaale oo ka tirsan
dalalka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo qaarkood dowladda Soomaaliya ku leh
lacago Malaayiin doollar oo deymo ah.
0 Comments:
Post a Comment