GURIGA »
somalia
» Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka oo wada-hadal cusub yeeshay
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya Axmed Xassan Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi
heer sare ah oo ka socday Bangiga Adduunka.
Wafdiga ka socda Bangiga Adduunka ayaa kala ah Julien Million iyo Miguel
Angel Jorge, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay u joogay magaalada Muqdisho
mashaariicda uu Bangiga ka fuliyo Soomaaliya.
Wafdinga ka socda Bangiga Adduunka ayaa wasiirka la wadaagay warbixin ku
saabsan mashaariicda horumarineed, gaar haan kuwa la xiriira Kalluumeysiga ee
Bangiga uu qorsheynayo in ay ka fuliyaan dalka.
Waxay si gaar ah wafdigan faah-faahin uga siiyeen wasiirka qorsheyaasha
socda ee la xiriira mashaariicda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah lagu
horumarinayo ee Banhiga Adduunka iyo wasaaradda, sida lagu yiri qoraal laga soo
saaray kulankaan.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ayaa wafdigan
uga mahad-celiyey imaatinkooda caasimadda dalka ee Muqdisho iyo warbixinta ay
la wadaageen.
Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in ay wasaaraddu si hufan ugala shaqeyn
doonto hirgalinta mashaariicda ay qorsheynayaan in ay ka fuliyaan dalka, gaar
ahan kuwa la xiriira horumarinta Kalluumeysiga
Mashaariicda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ee ay ka
wada-shaqeynayaan DF iyo Bangiga Adduunka ayaa ujeedkiisu yahay sidii loo
horumarin lahaa Kalluumeysiga gudaha si loo gaaro isku filnaasho dhaqaale oo
waara.
0 Comments:
Post a Comment