Monday, December 5, 2022

Dowladda Norway oo $30 Milyan ugu deeqday Soomaaliya

 

Dowladda Norway ayaa maanta dowladda federaalka Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan $30 Milyan

Dowladda Norway ayaa Soomaaliya ku taageeraysa lacag dhan $ 30 milyan oo Dollar sida uu xaqiijiyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in dowladda Norway Soomaaliya ku taageerayso $30 milyan oo Dollar taas oo la soo marin doono Bankiga Adduunka.

Wasiirka ayaa warkan sheegay kadib kulan uu maanta Xafiiskiisa Muqdisho kula yeeshay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway, Anne Beathe.

“Dowladda Norway waxa ay Soomaaliya ku taageeraysaa lacag dhan $30 Milyan oo dollar taasi oo ay inoo soo marisiinayso Bangiga Adduunka” ayuu yiri Wasiirka.

Dr. Cilmi Maxamuud Nuur Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in lacagtan lagu horumarin doono dib u habeynta maaliyadda iyo maalgelinta mashaariicda.


"Farxad weyn ayay ahayd inaan maanta Soomaaliya ku soo dhaweeyo Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway, Anne Bethe," ayuu raaciyay.

Dhanka deeqaha dhaqaale ee Norway, Nour wuxuu sheegay in lacagahan loo adeegsan doono horumarinta dib u habeynta maaliyadda iyo mashaariicda maaliyadda.

Nuur ayaa carabka ku adkeeyay in Norway ay si weyn u taageerto, gacanna ka geysato dib u habeynta dhaqaalaha dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in deeqdan lacageed ee cusub ay dalkeena wax badan ka tari doonto.

Norway waxa ay ka mid tahay 9 wadan oo reer galbeed ah oo dhaqaale siiya sanduuqa wadaaga badan ee Somali Multi-Partner Fund oo la aas aasay sanadkii 2013-kii, iyadoo Soomaaliya ay dooneyso inay dib u dhisto hay’adihii aasaasiga ahaa.

Sanduuqa ayaa ah isha ugu weyn ee dhaqaale ee Bangiga Adduunka ee Soomaaliya tan iyo markii dalka uu dib ugu soo laabtay kormeerka hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah si kor loogu qaado dadaallada dib u habeynta caalamiga ah ee waafaqsan halbeegyada daacadnimada maaliyadeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta oo Axad ah Xafiiskiisa Muqdisho kula kulmay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway, Anne Bayati Tefenarim.

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog