GURIGA »
somalia
» Madaxweyne Xasan oo Kulan La Qaatay Guddoonka iyo Guddiga Joogtada ah Ee Golaha Shacabka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddoonka iyo Guddiyada Joogtada ah ee Golaha
Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu uga warbixiyey halganka dalka
lagaga xoreynayo Alshabaab oo hadda deegaanno badan laga
saaray.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa xusay in Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliya ay udub-dhexaad u yihiin qorshaha dalka lagaga xoreynayo
dagaalamayaasha Alshabaab, maadaama ay wakiil u yihiin shacabka
Soomaaliyeed ee la rafaadsan dhibaatada kasoo gaartay abaaraha iyo colaadaha
dalka ka jira jira.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku boorriyey
Guddoonka iyo Xildhibannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay
dardar-geliyaan ansixinta sharciyada iyo siyaasadaha hortabinta u leh dowladnimada
ee Xukuumadda Danqarabn ay u soo gudbin doonto.
Kulankan waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BaarlamaankaFederaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiye Kuxigeennada
Koowaad iyo Labaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar iyo Mudane
Cabdullaahi Cumar Abshir.
0 Comments:
Post a Comment