Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji ayaa maqribkii isbitaalka ku
booqday Hooyo Maryan Maxamed Xasan oo afar gabdhood oo mataano ah oo caafimaad
qaba ay ku dhashay isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Wasiir Cali ayaa lacag uusan tiradeeda sheegin u geeyey Hooyo Maryan oo
xalay umushay afar gabdhood, Hooyadaan ayaa laga keenay deegaan hoos taga
degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Sidoo kale wasiirka ayaa lagu sharfay inuu magacyo u bixiyo gabdhaha Hooyo
Maryan, wuxuuna labo kamid ah ugu magac-daray labada xaas ee madaxweyne Xasan
Sheekh oo la kala yiraahdo Qamar iyo Sahra.
Wasiirka Caafimaadka ayaa gabdhaha mid ka mid ah ugu magacdaray agaasimaha
isbitaalka ay carruurtani ku dhalatay ee Banaadir, waa Dr. Fartuun.
“Labo ka mid ah Maamooyinka qaranka ayaan ugu magacdarayaa, midna Qamar
ayaa la dhahaa, midna Sahro, labada kale waxaan u kala bixiyey Fartuur iyo
Xalwo, waxaan idin leeyahay adiga iyo carruurtaada caafimaad allaha idin siiyo,
halkaan waxaa ku jirta kaalmo yar oo aan ugu tala galay inaa sahay ka dhigato,
maadaama aad miyi ka timid,” ayuu yiri Wasiir Cali Xaaji.
Wasiirka caafimaadka ayaa balan-qaaday in si gaar ah ay uga warqabi donaan
Hooyo Maryan iyo carruurteeda, maadaama ay aad u jilicday oo afar ilmo ah ay
caloosha ku siday sagaal bilood.
Agaasimaha isbitaalka Banaadir Fartuun Shariif ayaa xaqiijisay in
carruurtaan iyo hooyadood ay caafimaad qabaan, isla markaana ay si baxnaani
doonaa ilaa inta ay isku filaansho ka gaarayaan.
Hooyo Maryan waa 38 sano jir ka timid miyiga degmada Cadale ee gobolka
Shabeellada Dhexe, waxayna xalay mataanahaan ku dhashay isbitaalka Banaadir,
maamulka isbitaalka iyo wasiirka caafimaadka ayaa xaqiijiyey in markii ugu
horeysay ay arkeen kiis noocaan ah.
“Waan fiicanahay Alxamdulilaah, wax iga haleysan ma jiraan, wax
kasta waa la iga caawiyey, Ilaaheyna waa ii fududeeyey, shaqaalaha ii adeegay
waan u duceeyey, saakay ayaan ogaady inaan afar carruur ah umulay,” ayey tiri
Hooyo Maryan oo la hadashay warbaahinta.

0 Comments:
Post a Comment