GURIGA »
Adduunka
» Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir arrin Muhiim ah looga hadlay oo ka dhacay Switzerland
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Gurmadka
Abaaraha Md. Xil: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dalka Switzerland kaga
qeyb galay shir la xariira sidii xal loogu heli lahaa dadka ay abaaraha,
colaadaha iyo cunto yarida barakaciso.
Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Xarunta La socodka Barakacayaasha Gudaha
(IDMC) oo ah hay’ad caalami ah oo fadhigeedu yahay Geneva, ayaa lagu soo
bandhigay in tirada dadka gudaha ku barokacay (IDPs) ay gaartay 71.1 milyan
adduunka dhammaadki sanadkii hore, sababo la xiriira iska-hor-imaadyada iyo
masiibooyinka cimilada.
Ergeyga ayaa madasha ka jeediyay aragtida dawladda Soomaaliya ee ku aaddan
mushkilada iyo xalka arrimaha barakaca, isagoo diiradda saaray sida ay lagama
maarmaan u tahay in wax laga qabto asalka mushkilada cunta yarida oo ah
la’aanta maalgelinta mashaariicda dhisaysa adkaysiga bulshada, uguna horrayso
maalgelinta beeraha iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Dalkeenna, barakacayaal gaaraya 3.6 milyan ayay colaadaha, abaaraha,
fatahaadaha iyo cunto yaridu ku qasbeen in ay magaalooyinka buux dhaafiyaan,
taas oo Soomaaliya ka dhigtay dalka ugu horreeya ee dadkiisu magaalooyinka
iskugu soo ururayaan.
Ku dhowaad 46% dadka Soomaaliyeed waxay maanta ku nool yihiin magaalo,
waxaana hoos u sii dhacaysa noloshii miyaga ee xoolo dhaqashada iyo beerashada
0 Comments:
Post a Comment