GURIGA »
gudaha dalka
» Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha ayaa ku baaqay in lala xisaabtamo hay’adaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya
Ergeyga gaarka ah ee
madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan
Cabdishakuur Warsame oo haatan ku sugan magaalada Washington ayaa ka hadlay
xaaladda bani’aadanimo ee dalka, kadib wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga
ah ee VOA-da.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in weli Soomaaliya ay ku
jiraan xaalado adag oo ka dhashay fatahaado iyo abaaro xoogan oo soo laa
kaabtay.
“Suura gal maahan in 30 sano aan ku jirno fatahaad iyo abaar dhexdeeda,
adduunkane uu nagu sheegto in uu nagu baxshay balaayiin dollar.” ayuu
wareysigaan ku yiri ergeygu.
Sidoo kale wuxuu su’aal ka keenay halka ay ku baxaan dhaqaalaha tirada
badan ee ay magaca Soomaaliya kusoo qaataan hay’adaha samafalka ee ka howlgala
gudaha waddanka.
“12-kii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya $8 Bilyan ayaa ku baxday oo
mucaawino ah, weli abaarta way taagan tahay, sanadkii hore $1.4 Bilyan ayaa
dalbatay, haddane $2.8 Bilyan ayaa dalbanaysaa, dhibaatada way sii kordheysaa
ee dhaqaalaha xaguu aadaa?” ayuu sii raaciyay.
Warsame ayaa xusay in haatan dowladda federaalka iyo beesha caalamka ay ku
wada heshiiyeen inay sameeyaan isla xisaabtan dhab ah, si meesha looga saaro la
socosho la’aanta hay’adaha samafalka.
“Soomaaliya lama xisaabtanto Hay’adaha ka shaqeeya Samafalka iyo gargaarka,
mudnaanta ay u baahan tahay miiska looma saaro.” ayuu markale yiri CC Warsame.
Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Dowladda Soomaaliya waxaa ka saari
kara gacan hoorsiga iyo in ay ku tiirsanaanto ajnabi waa isla xisaabtan la’aan,
sidaas daraadeed waxaa loo baahan yahay isla xisaabtan, dadkii la xisaabtami
lahaa shaqooyinka la xiriira in la xijiyo”.
Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaaladdii ugu darneyd ee dhanka
bani’aadanimada, taas oo ka dhalatay abaaraha haatan ka jira dalka, kadib
markii ay baaqdeen shan xilli roobaad oo la filayay.
0 Comments:
Post a Comment