Saturday, January 7, 2023

Hey’adda Maareynta Masiiboyinka oo gargaar gaarsiisay Qoysas danyar ah

 

Kaalmada Imaaraadku ugu deeqay qoysaska Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen oo maantey la gaarsiiyey

Gargaar ay horay dowladda Imaaraadka Carabta ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu sameyeen, oo ay maantey Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ee SODMA, ayaa ku dhawaad 300 oo qoys oo danyar ah ugu qeybisay gudaha degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Dadka gargaarkaan ka faa’iideystay ayaa ahaa kuwa la il daran xaalado adag oo dhanka Noolasha ah, iyadoo ay intaas dheertahay in degmada Diinsoor ay muddo go’doonsantahay.

Hey’adda Maareynta Masiiboyinka oo gargaar gaarsiisay Qoysas danyar ah oo ku sugan degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale uga mahadcelisay Imaaraadka kaalmada joogtada ah ee ay Soomaaliya la garab taagan tahay xaalad kasta iyo dhibaato kasta





Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog