GURIGA »
Soomaaliya
» Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Safiirka Shiinaha
Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar,
ayaa maanta booqatay Safaarada Shiinaha ay kuleedahay Magaalada Muqdisho
waxaana soo dhaweeyay safiirka u fadhiya Dalka Ambassador Fei Shengchao.
Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xoojinta xirriirka iskaashi iyo wax wada
qabsi ee labada dal ee walalaalaha ah, howlaha horutabinta u leh Golaha
Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidii muhiimad
gaar ah loo siin lahaa shuruucda taageereysa amaanka guud iyo xasilloonida
dalka, horumarinta waxbarashada iyo awoodsiinta haweenka Soomaaliyeed.
Ambassador Fei Shengchao, ayaa Guddoomiyaha ugu hambalyeeyay in ay noqotay
Gabadhii ugu horeysay ee xilalka ugu sareeya dalka soomaliya qabata, isagoo u
rajeeyay in ay ku guuleysato howlaha hor yaalla, isagoo muujiyay sida dowladda
Chinaha u garab taagan tahay Soomaaliya.
Sidoo kale Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa uga mahadcelisay
Dowladda Shiinaha taageeradeeda,garab istaaga dowladda iyo shacabkaSoomaaliyeed.
0 Comments:
Post a Comment