GURIGA »
somalia
» Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa,
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo
ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kaga qayb galayo meertada
36-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika.
Shirweynahan ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Midowga Afrika,
hirgelinta hiigsiga ururka ee 2063 iyo wax ka qabashada caqabadaha qaaraddu
wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada iyo argaggixisada.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweynaha iyo wafdigiisa ay soo
bandhigi doonaan aragtida Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika
iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argigixisada, guulaha
laga gaaray dib u xoreynta deegaannada iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo
iskaashiga heer gobol.
Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Addis
Ababa, waxaa la sheegay inay kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaan madaxda
dalalka Afrika iyo madaxda kale ka ee ka soo qayb galaysa Shirweynaha Midowga
Afrika.
0 Comments:
Post a Comment