GURIGA »
Soomaaliya
» Md JFS oo xarriga ka jaray Laanta Bankiga Dhexe ee Galmudug
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa xarigga ka jaray laanta Bangiga Dhexe ee oo uu ka hirgeliyay
magaalada Dhuusamarreeb.
Munaasabadda xarig jarka waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka
Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka Mudane
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay
xafladda.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo munaasabadda
ka hadlay ayaa sheegay in ka reer Galmudug ahaan ay ku faraxsanyihiin isla
markaana muhiimad weyn ay u leedahay in Bangiga Dhexe xaruntiisii Dhuusamareeb
dib loo hawlgaliyo oo noqoneysa xaruntii ugu horreysay ee Bangiga Dhexe ee dib
looga howlgaliyo meel ka baxsan Caasimadda Dalka ee Muqdisho.
Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi
ayaa dhankiisa xusay iney ka go’antahay sidii dib loogu howlgelin lahaa
dhamaan laamaha Bankiga Dhexe ee dalka uu ku lahaa si loo baahiyo shaqooyinka
Bankiga Dhexe.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxda Bankiga Dhexe ee Soomaaliyaku amaanay inuu ka shaqeeyo baahinta xarumaha Bankiga Dhexe ee dalka oo laga
hergelinayo xarumaha maamul goboleedyada dalka.
0 Comments:
Post a Comment