GURIGA »
caafimaadka
» Ra’iisul Wasaaraha oo daah furay Xarunta Keydka Caafimaadka Qaranka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi
Barre, ayaa xarigga ka jaray Xarunta Dhexe ee Qaranka ee Keydka Daawada
Soomaaliya, taas oo daboolaysa baahida ay dadweynaha Soomaaliyeed u qabaan
daawo tayo leh oo la hubiyey badqabkeeda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in hirgelinta xaruntani ay ka tarjumeyso
halbeeg muhiim ah oo la xaqiijiyey, loogana gudbaayo dhibaatooyinkii soddonkii
sanno ee la soo dhaafay ay dadkeenna ku sababeen daawooyinka bilaa tayada ah ee
dalka la keenayay.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u mahadceliyey dhammaan dhinacyadii ka qeyb
qaatay hirgelinta xaruntani, isagoo faray Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka
Bulshada in si hufan looga faa’deysto xaruntan, isla markaana laga hirgeliyo
xarumo lamid ah dowlad goboleedyada dalka.
Sidoo kale, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed
ee dagan xarumaha danta guud ee ay leedahay Dowladdu, gaar ahaan kuwa
Wasaaradda Caafimaadka in ay banneeyaan, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.
0 Comments:
Post a Comment