GURIGA »
caafimaadka
» Wasiirka Caafimaadka oo hor tagay guddiga horumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr; Cali Xaaji Aadam, oo ay wehliyaan
Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Drs; Maryam Maxamad Xuseen, Wasiir Ku xigeenka
Wasaaradda Xildhibaan Dr ;
Maxamad Xuseen Maxamad ayaa guddiga horumarinta
adeegga bulshada ee Golaha Shacabka ayaa Warbixin guud ka siiyay
qorsha-howleedka iyo qaab-dhismeed guud ee Wasaaradda Caafimaadka howlaha
baaxadda leh ee horyaalla waxyaabihii uqabsoomay iyo halka ay hadda wax u
marayaan.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inay wax badan ka qabteen horumarinta
daryeelka Caafimaadka dalka iyo tayayntiisa.
Intaa kadib Xubnaha Guddiga ayaa mid mid u Weydiiyay Wasiirka Su’aalo la
xariiray Caafimaadka Dalka Mashaariicda hoos yimaadda kuwa socda iyo kuwa la
filayo in dhawaan ay Wasaaraddu daah-furto sida Mashruuca Damal Caafimaad.
Shuruucda hor-tebinta uleh Wasaaradda oo ay doonayaan inay usoo
gudbiyaan Golaha Shacabka BJFS sida Sharciga dawada dalka iyo Caqabadaha
hor-taagaan inay Wasaaradda keento maadama uu muddo fog soo jiitamayo lagama
maarmaana ay tahay inuu dalka yeesho sharci dawo oo la isku halleyn karo.
Hiigsiga iyo himillada fog ee la xariira Caafimàadka guud ee Wasiirka
Wasaaradda ayaa ka wada jawaabay guud ahaan su’aalihii ay weydiiyeen xubnaha
iyo guddoonka guddiga horumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka.
0 Comments:
Post a Comment