GURIGA »
gudaha dalka
» Madaxweyne Xasan" Dowladda waxaa ka go'an inay ka maaranto kaalmo shisheeye"
Dal waxaa horumariya dadkiisa oo garab istaag buuxa siiya Dowladda si loo
gaaro isku filnaansho buuxa oo dhan waliba ah.
Soomaaliya, waxaa kaalmo buuxa siiya dalal shisheeye, waxayna kaalmadaas ka
timaadaa canshuur dad kale laga qaaday, sababta canshuurta loo qaadayo waa in
ay Dowladdu bixiso qarashaadkeeda haddii ay tabay caafimaadka, waxbarashada,
nabadgalyada,horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo howlaha guud.
Haddii si kale u dhigno, canshuurtu waa qarash ay Dowladdu dul saarto
alaabaha iyo hantida ma guurtada ah, dakhliga soo gala qofka ama ganacsiyada
iyo mulkiilayaasha mehradaha.
Amni buuxa iyo caafimaad tayo ah leh in la helo waxaa udub-dhexaad u ah
canshuurta dalka oo la bixiyo si ay Dowladdu awood buuxda ugu yeelato bixinta
adeegyada bulshada aas-aasiga u ah.
Canshuur bixiyaashu, waa in ay fahmaan bixinta canshuurta in ay tahay
waajib saaran qof walba oo muwaadin ah in dadku canshuurtu bixin micnaheedu
waxay tahay in dowladdu shacabkeeda la xisaabtami karin. Soomaaliyana ay sii
ahaato dal canshuur bixiyeyaal kale lacag ka suga, waana sababta keentay in
madaxdu ku baaqaan in la bixiyo canshuurta.
Madaxweynaha Jamhuutiyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa aad bulshada Soomaaliyeed ugala hadlay mudnaanta ay leedahay
canshuurta, wuxuu sheegay in muhiim ay tahay canshuurta ay Dowladdu ugu baahan
tahay shacabka si dowladda uga maareynto dawarsiga dalalka kale.
” la qarin maayo canshuurta inaan dhiibno waaye, lacagta aan ku yeelan
lahayn inaan la imaano waay, maanta wali waxaan joognaa ciidamadeenu wali dad
kale ayaa lacagta noo siiyo, nolosha qaarkeed Dowladdu wey bixi, laakin waxay
dowladdu bixiso kuma filno waa la kabaa dad kale noo kaba, canshuur wiil kale
iyo gabar kale oo dal kale ku nool oo waxay nala wadaagaan jirin oo Diin nala
wadaagin oo dadnimo nala wadaagin oo qaaradda aan ku nool nahay ku oolin, war
anaga maxaa nahay kan dhuumanaya ee canshuurta ka dhuumanaayo, shabaab ayaa ka
cabsanaa Kan leh Dowladda lama shaqeyn karo, war waxaas wax ma ahan howln ma
ahan,”.
Madaxweynaha ayaa carabka ku dhuftay in aysan macquul ahayn in ay soo
tuugsadaan lacagaha lagu kabo mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha, iyadoo
Soomaaliya haysato kheyraad ku filan, waajibaadka Dowladda ayuu madaxweynuhu
tilmaamay ka hortagga dadka dhacaya canshuuraha ay bixiyaan dadka kale.
Haddaba inagoo taas ka tixraaceyna muhiimadda ay leedahay canshuurta, waa
in bulshada Soomaaliyeed xil iyo ahmiyad gaar ah iska saaraan sidii ay u bixin
lahaayeen canshuurta ,ayagana ay dhankooda u heli lahaayeen adeegyada
aas-aasiga u ah ee Dowladdu looga baahnaa.
0 Comments:
Post a Comment