GURIGA »
gudaha dalka
» Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeye golaha wasiirada
Ra’iisul wasaaraha dawladda federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre
ayaa isku shaandheyn ku sameeyey qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada, isaga oo
xilka ka qaaday wasiirkii maaliyadda, halka uu magcaabay xubno cusub.
Ra'iisal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xilkii uu ka qaaday wasiirkii
maaliyadda ee Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, wuxuu u magcaabay Biixi
Iimaan Cige oo hore u ahaa wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada.
Dr. Maxamed Cilmi Ibraahin ayaa loo magcaabay inuu noqdo wasiirka shaqada
iyo arrimaha bulshada, isaga oo ah xubin cusub oo ku soo biirtay golaha
wasiirada.
Abuukar Jaylaani Sheekh ayaa loo magcaabay inuu noqdo wasiiru-dawlaha
awqaafka iyo arrimaha diinta, halka Saadaad Maxamed Nuur loo magcaabay wasiiru-dawlaha
wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka.
Afhayeenka xafiiska ra'iisal wasaaraha Farxaan Maxamed Jimcaale oo
warbaahinta u akhriyey wareegtadan ayaa sheegay in masuuliyiinta la magcaabay
la farayo inay xilka ula wareegaan sida ugu dhakhsaha badan.
0 Comments:
Post a Comment