Monday, July 10, 2023

Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa ka wada hadlaya sidii ay isaga kaashan lahaayeen xasilinta deegaanada laga saaray Al-Shabaab

 

Soomaaliya iyo Sacuudiga

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Mucalim Faki, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad.

Kulanka dhexmaray Wasiirka iyo Safiirka ayaa looga hadlay sidii Soomaaliya iyo Sacuudiga ay isaga kaashan lahaayeen xasiloonida deegaanada laga saaray Al-Shabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Mucalim Faki ayaa uga mahadceliyey Boqortooyada Sacuudiga taageerada ay Soomaaliya ka geysaneyso dhismaha dalka.

Dhankiisa Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya magaalada Muqdisho ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka booqashada uu ku yimid xarunta safaaradda ee magaalada Muqdisho.

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog