GURIGA »
gudaha dalka
» RW Xamsa oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlay Ku Biirista Bulshada Bariga Afrika (EAC)
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhriyadda Federaalka Soomaaliya mudane
Xamse Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyey kulan ballaaran oo looga
hadlayey u diyaargarowga wadahadallada ku biirista Soomaaliya ee urur
goboleedka Iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee bariga Afrika (EAC), kadib
markii dhowaan la aqbalay codsiga Soomaaliya inay ka mid noqoto ururkaasi.
Kulanka oo ay ka soo gaybgaleen mas’uuliyiin kala socotay laamaha kala
duwan ee dowladda ayaa lagu soo bandhigay heerka u diyaargarowga dowladda
Soomaaliya ee xag farsamo iyo dhaqaale.
Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya
ee urur gobolleedka (EAC) ay ugu jirto fursado iyo dano ganacsi, dhaqaale iyo
isu socod kuwaasi oo abuuraya maalgashi iyo shaqooyin wax weyn ku soo
kordhinaya dhaqaalaha dalkeena. Waxaa uu sheegay in xubinnimada Soomaaliya ay u
sahleyso ganacsatada Soomaaliyeed ka mid noqoshada suuq weyn ay kaga
faa’iideeystaan inay u iibgeeyaan badeecadahooda iyadoo aan la canshuurin.
Shirka ayaa waxaa warbixinno ku saabsan heerarka kala duwan ee uu soo maray
codsiga dowladda Soomaaliya, qaabka loo wajahayo wada xaajoodka iyo waxa ay ka
qabsan karto Soomaaliya soo jeediyay Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan
madaxweynaha Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo La taliyaha horumarinta Ganacsiga ee
Ra’iisul wasaaraha Cabdiqani Jaamac.
Ra’iisul easaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu dambeyn bogaadiyey shaqada ay
qabteen Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha iyo saraakiisha kale ee kala
shaqeeyay hawsha lagu guuleystay ee ku-biirista Soomaaliya ee urur goboleedka
bariga Afrika (EAC).
0 Comments:
Post a Comment