GURIGA »
gudaha dalka
» XFS oo sheegtay inay la wareegtay xarumaha ay baneeyeen 2000 askari oo ATMIS ah
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay inay dowladdu la wareegtay
xarumaha ay baneeyeen 2000 askari oo katirsan ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS.
Wasiirka gaashaandhigga Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa ciidamada ATMIS ku
ammaanay inay door wanaagsan ka qaateen sugidda amniga iyo wadashaqaynta ay
laleeyihiin Dowladda federalka Soomaaliya.
Wasiirka wuxuu sheegay, ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed inay gaareen heer
lagu hallayn karo amniga dalka ayna u diyaar garoobeen inta ka dhiman
dhammaadka 2024, markaas oo askariga ugu dambeeya ee ciidanka ATMIS uu dalka ka
bixidoono.
Wuxuu sheegay wasiirku inay dowladdu masuuliyad weyn iska saaridoonto goobihii
ay la wareegeen ciidanka, isagoo sheegay in amni la isku hallayn karo ay
dowladdu ka samayndoonto goobaha ay xoreeyeen ciidanka Dowladda.
Si kastaba ha ahaatee, Midowga Afrika ayaa soo dhoweeyay dhameystirka wejiga
koowaad dhimista ciidanka ATMIS. Midowga Afrika waxay sheegeen inay ka go’an
tahay sugidda amniga Soomaaliya.
0 Comments:
Post a Comment