GURIGA »
gudaha dalka
» Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhanka amniga
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane
Maxamed Axmed Sheekh Cali “Doodeshi” ayaa la kulmay Safiirka Dowladda Isutagga
Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Juma Al-Rumaythi.
Wasaaraddu waxay qoraalkeeda ku sheegtay in Wasiir Doodiishi iyo Danjire
Jumaa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo
iskaashiga dhinaca amniga.
Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa bogaadiyay garab istaagga dowladda
Imaaraadka Carabta ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo
taageerada ay la garab taagan tahay heer kasta
Imaaraadka Carabta ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah dalalka ugu muhiimsan ee
walaalaha ah ee kaalin mug leh ka qaata taageerada Soomaaliya heerarkeeda kala
duwan, taasoo
sidoo kale gacan ka geysata dib u soo kabashada Soomaaliya iyo xaqiijinta
xasilloonida dhinacyo kala duwan leh, iyagoo garab ka helaya walaalahooda,
kuwaasoo sidoo kale gacan ka geysta sidii ay Soomaaliya u heli lahayd
xasillooni. ammaanay dhismaha xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal ee
walaalaha ah dhinac walba.
0 Comments:
Post a Comment