Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa
Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada
Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing.
Madaxweynaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay qorshaha
xasilinta ee degaannada laga xoreeyey argagixisada.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Ergayga kala hadlay sidii
addeegyada aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa bulshada sannadaha badan ku noolaa
gabood-fallada argagixisada iyo xaaladaha bini’aaddannimo ee adag.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobay
miro-dhalka howlgalada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.
Maxaxweyanaha ayaa sheegay in ololaha lagu ciribtirayo argagixisada uu si
habsami leh uga socdo degaanada Galmudug, hadafkuna uu yahay in laga sifeeyo
degaanada ay wali ku harsanyihiin.
Dhankeeda, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada u qaabilsan Soomaaliya Marwo
Catriona Laing ayaa bogaadisay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga
go’an tahay cirib-tirka argagixisada.
Sidoo kale Marwo Catriona waxa ayna tilmaamtay in joogitaanka Madaxweyne
Xasan Sheekh ee Galmudug ay ka dhigan tahay farriin xoojinaysa halganka
xoreynta Soomaaliya.
Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Marwo Catriona ayaa sheegtay in
sidii la isugu furi lahaa deegaannada ay kala xirtay argagixisadu, kana soo
maleegto qaraxyada iyo falalka xasuuqa ah ee ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed
ay dowladda ku garab siinayaan in xal waara loo helo.
0 Comments:
Post a Comment