Thursday, June 8, 2023

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo kulankii u horeeyay la qaatay ergeyga cusub ee QM

 

Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu u soo magacaabay dalkeenna Marwo Catriona Laing.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Catriona Laing ayaa ka wadahadlay dardargelinta howlaha muhiimka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay uu ka taageero dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay dadaallada dowladdu ku bixinayso dhinacyada la dagaallanka argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay si wax looga qabto caqabadaha bini’aadannimo ee ka jira goobaha laga saaray argagixisada.

Dhankeeda, Ambasadoor Catriona Laing ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelisay soo dhaweynta diirran ay kala kulantay, iyadoo bogaadisay guulaha laga gaaray dagaalka qawaarijta looga xoreynayo dalkeenna, waxa ayna tilmaantay in howlgalkeeda cusub uu xoogga saari-doono adkeynta wada-shaqeynta, sare u qaadidda taaageerada amniga, siyaasadda iyo gargaarka bini’aadannimo.

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog