GURIGA »
gudaha dalka
» Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala hadlay wakiilka Midowga Afrika tillaabooyinka lagu dhimayo ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada dalka
kula kulmay wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mohamed
El-Amine Souef.
Sidoo kale danjiraha Midowga Afrika waxaa kulankaan uu la yeeshay
Madaxweynaha ku wehliyey Taliyaha guud ee ciidamada ATMIS Sam Okiding.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saraakiishaan kala ka wadahadlay habraaca
dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024-ka
Sidoo kale masuuliyiintaan waxay kulankooda diiradda ku saareen qorshaha ay
ciidanka ATMIS amniga qaranka ugu wareejinayaan ciidanka xoogga dalka
Soomaaliyeed.
Ambasadoor Mohamed El-Amine Souef ayaa bogaadiyey dadaallada ay dowladda
Soomaaliya ku bixineyso dagaalka argagixisada looga xoreynayo dalka.
Dhinaca kale kulankaan waxaa looga hadlay dardargelinta howlgallada wajiga
labaad ee lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo khatar ku ah nolosha
iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya guulaha isdabajoogga ah ee ciidanka
Soomaaliyeed ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka
argagixisada ayaa xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee
wajiga labaad ee howlgalka.
Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee sidoo kale kulankaan looga hadlay waxaa ka
mid ahaa in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, lana dhaqan geliyo
qorshaha kala guurka, si loo gaaro Soomaaliya nabad ah.
0 Comments:
Post a Comment