GURIGA »
gudaha dalka
» Shir looga hadlayo xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya oo ka furmay magaalada Kismaayo
Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland ka
furmay Shirka Madasha Xiriirka Arrimaha bin'aadamnimada.
Shirkaan waxaa si wada jir ah u daahfuray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka
Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiirka Qorsheynta XFS Cabdiraxmaan
Beenebeene.
Waxaa ka qeybgalaya shirkaan Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka
Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, Wasiirada Gargaarka dowlad
Goboledyada, Agaasimaha Gargaarka Gobolka Banaadir ,wakiilo iyo safiiro ka
socda Beesha Caalamka.
Shirkaan waxa lagu faaqidayaa Jihaynta gargaarka iyo taakulada dadka
Soomaaliyeed ee la kulma musiibooyinka dabiiciga ah gaar ahaan fatahaadaha iyo
abaaraha.
0 Comments:
Post a Comment