GURIGA »
gudaha dalka
» XFS oo shaacisay iney dishay mid ka mid ah horjoogayaasha ugu halista badnaa Al-shabaab
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah bixisay howlgal
Shalay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa
deegaanada Galcad iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysnaa ayay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya
sheegtay in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo uu ku jiray horjooge
magaciisa lagu sheegay Cali Axmed Guure oo loo yaqiinay Cali Qoyane.
Horjoogahaan ayay dowladda sheegtay inuu ka mid ahaa horjoogayaasha Al-shabaab
ee gobolka Galgaduud kuwa ugu daran ee dhibaatada ba'an ku hayay shacabka
Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada gobolkaas.
Taliye ku xigeenka Ururka 7-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Xidigle
Maxamed Xasan Abuukar ayaa u sheegay warbaahinta qaranka in dilka horjoogahaan
uu yimid kadib xog ay ka heleen dadka deegaanka.
“Horjooge Cali Axmed Guure (Cali Qoyane) ayaa isagoo maqana ah waxaa ay horay
Maxkamadda Ciidamada ugu xukuntay dil, waxuuna ka kamid ahaa horjoogayaasha ugu
halista badan ee dadka Soomaaliyeed dhibka badan ku hayay” ayaa lagu yiri war
kooban oo ay baahisay Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA.
Howlgalka lagu dilay horjoogahaan ayaa sidoo kale la tilmaamay in ciidanka
dowladda ay kusoo furteen gaari noociisu yahay NOHA iyo hubkii ay wateen
horjoogahan iyo xubnaha kale ee lagu dilay howlgalka qorsheysnaa ee ka dhacay
Galgaduud.
0 Comments:
Post a Comment