GURIGA »
somalia
» Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa xoreeyay deegaan istiraatiiji ah, waxaana howlgalkan lagu dilay tiro badan oo Al-Shabaab ah
Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay dagaal u
dhexeeyay ciidanka dowladda oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka iyo
Al-Shabaab oo dhinac kale ah uu ka dhacay duleedka magaalada Wabxo ee
gobolkaasi.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay ciidamada huwanta weerar ku qaadeen
xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayey deegaanka Ceelgorof ee
gobolkaasi.
Xubnaha kooxda Al-Shabaab ee la weeraray ayaa lagu soo warramayaa in
xilligaasi ay qorsheynayeen inay weeraraan degaanka Goobo oo hoostaga degmada
Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka
iyo kuwa dadka deegaanka.
Saraakiil ka tirsan milariha Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa
shaaca ka qaaday inay heleen xogta Al-Shabaab, kadibna ay u daba mareen inay ku
weeraraan deegaanka Ceelgorof, taas oo dhabar jab u keentay kooxda weerarka ku
qaadi laheyd aagga Maxaas.
Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in dagaalka ay ku dileen in ka
badan illaa 10 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, gaadiidna ay ka
guubeen.
Howlgallada ayaa lagu soo warramayaa in ay weli kasii socdaan xadka u
dhexeeya labada gobol ee Hiiraan iyo Gagaduud oo dhaca bartamaha Soomaaliya.
Xaaladda ayaa sidoo kale ah mid aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay
dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan halkaasi, taas oo cabsi ku abuurtay
dadka deegaanka.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab
oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada huwanta ah.
Hiiraan iyo Galgaduud ayaa kamid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada
xoreynta ah, waxaana jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo looga saaray
dhulkii ugu ballaarnaa.
0 Comments:
Post a Comment