Sunday, January 29, 2023

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa u jawaabay Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheer)

Khawaarij


Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa u jawaabay Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheer) oo shalay ka hadlay dagaalka dhaqaale ee ay kala kulmeen dowladda.

Wasiir Fiqi oo war qoraal ah soo saaray ayaa hadalka Cali Dheere ku tilmaamay inuu yahay calaacal ah, isla-markaana muujinaya tabar darrida kooxda, sida uu hadalka u dhigay.

wuxuu Fiqi su’aallo ka keenay baaqa uu Cali Dheere u diray gacansatada Soomaaliyeed, maadaama uu hadalkiisa ku sheegay in la boobi rabo hantidooda.

‘Cali Khawaarij dadka uu wax uu sheegayo ama isku dayayo inuu magacooda ku hadlo sida uu dhibkooda ugu farxi jirey iyo Alxamdulillaahidiisii miyuu ilaaway mise Cali waxa wareeriyey dharbaaxooyinka asaga iyo kooxdiisa soo gaaray!.!” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

wuxuu imntaasi ku daray in kooxda Al-Shabaab ay jab iyo weerar xoogan kala kulanta dagaalka ay ku qaadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog