GURIGA »
somalia
» Shir u furmay madaxda Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ayaa lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa hawl-galada lagu cirib-tirayo argagixisada
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir
afar-geesood ah oo ay wada qaateen madaxda, madaxweynaha Kenya William Ruto,
madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya
Abiy Axmed, oo iyagu galinkii hore ee maanta soo gaaray Muqdisho.
Shirkan u furmay madaxda Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ayaa
lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa hawl-galada lagu cirib-tirayo
argagixisada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.
Madaxda ayaa waxay fallaanqeeyeen hannaanka fulinta qorshaha Muqdisho ee ka
soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay ay yeesheen wasiirrada
gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamada xoogga dalalka Soomaaliya, Kenya,
Itoobiya iyo Jabuuti.
War-murtiyeed shirka laga soo saaray ayaa lagu sheegay inay
madaxda ay isla garowsadeen baahida loo qabo iskaashi sare loogu qaadayo garab
is-taagga dalalka deriska ah ee la xiriira dagaalka ay Soomaaliya kula jirto
kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale madaxdan ayaa wadajir u bogaadiyey guulaha
ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howl-galadii lagu xoreeyey deegaano badan
oo ka tirsan dalka, kuwaasi oo argagixisadu ay ka soo maleegi jireen falalka
gurrucan iyo amni darrada heer dal iyo heer gobol.
Waxay sidoo kale madaxda isku raaceen in la sameeyo howlgal
wadajir ah oo lagu qaadayo goobaha ay ku harsan yihiin argagixisada si gebi
ahaanba Soomaaliya oo dhan looga xoreeyo Al-Shabaab, loona fududeeyo dhimista
ciidamada ATMIS iyo in si tartiib tartiib ah mas’uuliyadda amniga Soomaaliya
loogu wareejiyo ciidamada
Waxaa lagu heshiiyey in si wadajir ah loo qorsheeyo oo loo
abaabulo olole hawlgal oo xooggan oo dalalka safka hore ah, kaasi oo lagu
baadigoobayo laguna burburinayo Al-Shabaab, howlgalkaasi oo jihooyin badan ah,
laguna beegsanayo meelaha muhiimka ah ee Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin
koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ololahan xasaasiga ah ee waqtigiisa ku
imanaya ayaa ka hortagaya in canaasiirta ay u gudbaan gobolka,” ayaa lagu yiri
war-murtiyeedka.
War-murtiyeedka ayaa intaas ku daray in madaxa ay qireen
codsiga dowladda federaalka Soomaaliya ee ah inay hesho ballan-qaadka iyo
taageerada dalalka deriska ah ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya si ay ugala
qayb qaataan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka guuleysashada iyo
burburinta kooxaha argagixisada.
Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen codsiga dawladda Soomaaliya
ee ah in la helo taageero lagu qalabeeyo cutubyada cusub ee Ciidamma Xoogga
Dalka iyo in kor loo qaado awoodda hub ee cutubyada Ciidamada Xoogga Dalka ee
hadda howlgala
0 Comments:
Post a Comment