Monday, June 26, 2023

MD Xasan Sheekh oo Xalay ka qeyb galay Xuska Munaasabadda 26-ka June

 

Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda xuska sannad-guurada 63-aad ee markii calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay dhul Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada Waqooyi ee dalka ayaa xusay qiimaha taariikhiga ah ee ay ka tarjumeyso maalintan oo ku suntan midnimo iyo Soomaalinimo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aan la inkiri karin dhibaatooyinka ay soo mareen dadka Soomaaliyeed iyo dhaawacyada gaaray midnimada, balse jiilasha maanta iyo barri ay hortaallo sidii ay uga dhabeyn lahaayeen riyada ku aaddan Soomaaliya xasilloon, heshiis ah, dadkeeduna ay ku mideysan yihiin, taas oo u baahan isu dhibrin iyo isu tanaasul.

“Dadka Soomaaliyeed waa in ay ka fakaraan boqol sano kaddib xornimada, Soomaaliya noocee ah ayaan u dabbaal dagi doonnaa?!. Soomaaliya qurxoon oo deggan oo ay na mahadiyaan kuwa u dabbaal degi doona ayaa la rabaa in aynu hirgelinno. Dadka waxa isku haynaya oo aan kala geynayn ayaa na hurran”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey xasilloonida iyo horumarka ay ku tallaabsadeen Gobollada Waqooyi, waxa uuna sheegay in ay ka dhiman yihiin waxbadan oo kale oo ay ku heli lahaayeen midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in la dhammeystiro xal u helidda cabashadooda ku aaddan dowladnimada Soomaaliya.

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog