Tuesday, October 17, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo soo dhaweeyay ciidamada ka soo laabtay Eritrea

 

Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyey ciidammada Soomaaliya ee ka soo laabtay dalka Ereteriya, kaddib markii uu tababar socday muddo shan sano ah.

Isagoo xusay in ciidamadu ay dalka dib ugu soo laabteen si ay u xoojiyaan dadaallada lagu ciribtirayo argagixisada, wuxuuna yiri “ geesinimadooda waxay iga buuxinaysaa iimaan, sida qof kasta oo Soomaali ah, in ay soo dhowdahay xoreynta dalkeena hooyo si loo helo nabad waarta”.

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay askartaasi ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay ugu dhabar adaygeen dhibaatooyinka ay soo mareen, wuxuuna u ballan qaaday inuu siin doono fasax kooban oo bil ah si ay ula midoobaan asxaabtooda iyo qoysaskooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay abaal-marin siin doonto si ay uga mahadceliso dadaalka ay sameeyeen, waxaana ay taasi ku micneysay in ay muujineyso sida ay uga go’an tahay daryeelka ciidamadeeda iyo doorka muhiimka ah ee ay ku leedahay ilaalinta danaha qaranka.

        

  

 






Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog