GURIGA »
Soomaaliya
» Madaxweyne Xasan Sheikh oo safar ku tagay Eritrea oo kulan la qaatay madaxweynaha dalkaas
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomalaiya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa
gelinkii dambe ee shalay booqasho shaqo ku tagay Magaalada Asmara ee dalka
Eritrea.
Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa markii ay ka soo degeen garoonka
diyaaradaha ee magaalada Asmara waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweyne
Isaias Afwerki.
Kulankoodii ugu horeeyay oo ay ku yeesheen Aqalka Madaxtooyada, Madaxweyne
Isaias Afwerki iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer uga wada
hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale horumarinta gobolka ee
danaha labada dal.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale isla soo qaaday sidii loo dar dar gelin
lahaa fulinta qodobadii ay ka wadahadleen iyo heshiisyadii ay ku gaareen
shirarkii hore.
Dalka Ereteriya waxaa tababar gaar ah ku qaadanaya qaar ka mid ah Ciidamada
Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Warar aanu helnay waxay sheegayaaan in madaxweyne Xasan Sheikh uu doonayo
in si degdeg ah dalka loogu soo celiyo ciidamada Eritrea ku sugan, si ay uga qeyb
qaataan dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Alshabaab.
Tiro kamid ah ciidamada Eritrea oo horey dalka loogusoo celiyay ayaa ku
geeriyooday intii uu socday wajiga koowaad ee howgalka ka dhanka ah Alshabaab.
0 Comments:
Post a Comment