GURIGA »
Soomaaliya
» Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraatka ayaa soo koraya si loo gaaro himilooyin horumar iyo barwaaqo
Dalka aan walaalaha nahay ee Imaaraatka Carabta ayaa Soomaaliya ku leh door
wanaagsan oo sharaf iyo karaamo leh, taasoo ka tarjumaysa xoojinta xiriirka
wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah, kaasoo lagu tilmaamo inuu
yahay mid ku qotoma taariikho iyo waqtiyo fog.
Imaaraadku waxa uu ka qayb qaataa mashaariic badan oo bani’aadantinimo iyo
mid horumarineed oo laga fuliyo Soomaaliya. Kaas oo faa’iido u leh ummadda
Soomaaliyeed; Marka laga soo tago xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya
labada dal oo horumar la taaban karo ka gaaray mudooyinkii u dambeeyay
Imaaraatka Carabta ayaa lagu tiriyaa dalka ugu badan ee ka qeyb qaata
mashaariicda bini’aadantinimo ee Soomaaliya, waxa ay sameysteen buundo cirka
iyo badda ah si ay u gaarsiiyaan kumanaan tan oo sahay cunto ah si loogu
gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen
Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa tobankii sano ee u dambeeyay waxa ay
Soomaaliya ka fulisay mashaariic horumarineed oo kala duwan, waxaana
mashaariicdaas ka mid ah Iskoollo iyo xarumo caafimaad oo ay ka hirgeliyeen
gobollo ka tirsan Soomaaliya,
0 Comments:
Post a Comment