GURIGA »
gudaha dalka
» Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada Muqdisho ka furtay shir heerkiisu sareeyo
Shir heer sare ah oo heer wasiir ah ayaa maanta oo Talaado ah lagu qabtay
magaalada Muqdisho, kaasoo ay furtey Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka
iyo wakiillada Midowga Afrika u qaabilsan Carruurta ee Soomaaliya, waxaana
looga hadlay daryeelka iyo xuquuqda carruurta.
Kulanka oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Dowladda Federaalka
Soomaaliya, Midowga Afrika, Gargaarka Bani’aadantinimo ee Jarmalka iyo Save The
Children ayaa diiradda lagu saaray ansixinta Axdiga Xuquuqul Insaanka iyo
Daryeelka Carruurta ee Afrika.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday dhowr
wasaaradood oo ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay horkaceysay
wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka, wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan
arrimaha carruurta ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.
0 Comments:
Post a Comment