GURIGA »
» Ra’isul Wasaaraha XFS iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xariga ka jaray Waddada Taleex oo dib udhis lagu sameeyay
Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Xamza Cabi Bare
iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen jimcaale
(Madaale) ayaa maanta xariga ka jaray Waddada Taleex oo dhawaan uu maamulka
Gobolka Banaadir dib udhis ku sameeyay, isaga oo kaa shanaya maamulka Degmada
iyo bulshada degaanka.
Sidokale, Xarigjarkan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga
iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee
maamulka gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Hodan iyo qeybaha bulshada
rayidka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) ayaa ugu
horeeyn munaasabadda ka sheegay in maamulka Gobolka uu ahmiyad gaar ah siinayo
dib udhiska waddooyinka Caasimadda iyo horumarinta bilicda magaalada.
Ugu daneyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa
sheegay in dhismaha waddooyinka halbowlaha ah ay kor u qaadayaan, Nabadda, Ganacsiga
iyo Horumarka kala duwan Caasimadda.
0 Comments:
Post a Comment