GURIGA »
» RW Xamse oo shaaca ka qaaday sababta Al-shabaab mar walba qaraxyada ugu beegsato Baledweyne
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka
hadlay qarax Ismiidaamin ahaa oo khasaare badan geystay oo Shalay ka dhacay
gudaha magaalada Baledweyne.
Raysal wasaare Xamse ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay dadka Soomaaliyeed ee
ku dhintay qaraxa, isagoona eebe uga baryay kuwa dhaawaca ah inuu bogsiiyo.
Xamse Cabdi Barre ayaa qaraxaasi ku tilmaamay mid fuleynimo ah oo ay kooxdu
ku baabi'ineyso dadka Soomaaliyeed markii looga soo adkaaday furimaha hore ee
dagaalka.
Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay sababta mar walba kooxdu ugu
beegsato qaraxyada magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
"Sababta ay u bartilmaameedsanayaan kooxda Khawaariijta magaalada
Beledweyne waxay tahay in reer Hiiraan ay ku suntan yihiin dabar gooynta
Khawaarijta" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay Raysal wasaaraha Soomaaliya in kooxdu haatan ay
dalka kaga harsan tahay meelo kooban, islamarkaana dowladda iyo shacabka
Soomaaliyeed ay ka guul gaari doonaan dagaalka dalka looga curibtirayo kooxda
Shabaab.
Gabagabadii qaraxii Shalay ka dhacay magaalada Baledweyne ayaa marba marka
ka dambeysa waxaa sii kordhaya baaxada khasaaraha kala duwan ee uu geystay
qaraxaasi oo ahaa mid laga soo buuxiyay gaari Xamuul ahaa.
0 Comments:
Post a Comment