GURIGA »
» Madaxweyne JFS Xasan Sheekh oo gaaray degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud oo ka duulaya dardar galinta howgalada ciribtirka Khawaarijta, ayaa
gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada udub dhexaadka
u ah halganka dib u xoreynta dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Maxaas kala hadlaya
saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta
iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka
dhanka argagixisada oo ay dadka ree Hiiraan ku wajaheen si geesinnimo iyo
isku-duubni leh.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud oo muddo bil ah u jooga gobolada dhexe ee dalka hawlgallada dalka
looga sifeynayo Khawaarijta, ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan
ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo dalkeenna.
Madaxweyne Xasan Sheekh Waxaan go’aansanay in aan kaashano shacbiga
Soomaaliyeed halkii aan sugi laheyn kaalmo shisheeye iyo Amisom. Abaabul badan
kadibna guulaha la gaaray waxa ay ku yimaadeen in Shacbiga uu dagaalka
Khawaarijta qeyb ka ahaa”
Soomaleyy maanta wxaa heysana madax weyne ey daacad ka tahay soo af jarida
khawaarijta marka aan ka faaiideyso maanta ayaa heynaa madax weyne dacada beri
ma hubno in mid sidan ah ow noo bedeli doono
0 Comments:
Post a Comment