GURIGA »
gudaha dalka
» Ciidamada dawladda oo dib uga gurtay deegaano ay hore uga qabsadeen al-Shabaab
Saraakiisha amniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dawladdu ay dib
uga gurteen magaalooyin iyo degaanno ka mid ah kuwii ay qabsadeen
toddobaadyadii lasoo dhaafay.
Laba ka mid ah saraakiisha dawladda oo diiday in magacooda la sheego
maadaama aysan oggolaansho u haysan inay ka hadlaan hawlgallo xasaasi ah ayaa
sheegay in ciidanku ay Isniintii dib uga soo gurteen Ceel Dheer, Masagaway,
Budbud iyo Galcad.
Mid ka mid taliyayaasha ciidamada dawladda Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik
oo ah taliyaha guutada 26aad ayaa sheegay inay jirto “waxyaabo yar yar oo istiraatijiyad darteed dib looga gurtay oo si
tartiib ah gadaal looga baxay” sida uu hadalka u dhigay inkastoo aanu sheegin
goobahaas.
Mid ka mid ah saraakiisha dawlada ayaa sidhoo kale sheegay in goobaha dib looga
gurtay aan dawladda dagaal looga qabsan, sidii markii horeba aanay dawladdu
dagaal ugu qabsan goobahaas.
Ka sokow goobaha dib looga gurtay, ciidamada dawladda ayaa weli ku sugan
magaalada Ceelbuur oo ay qabsadeen Jimcihii.
Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik ayaa sheegay in ciidamada dawladdu ay isku
filan yihiin inay is difaacaan, waxaana uu dadka degaanka ugu baaqay inay
mas’uuliyad isa saaraan, oo ay sharafkooda iyo magacooda difaacaan, dagaalka
socdana aan la siyaasadayn.
0 Comments:
Post a Comment