GURIGA »
gudaha dalka
» JFS ayaa sheegtay inay burburisay kaydkii Khawaarijta ee waxyaabaha qarxa ee gobolka Galagduud
Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka, ayaa howlgallo ka dhan ah Alshabaab ka
wada tuulooyinka u dhexeeya degmada Gal-cad iyo degaanka Bud-bud ee gobolka
Gal-guduud.
Saraakiil katirsan ciidanka Dowladda oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa
sheegay inay khasaare weyn gaarsiiyeen kooxda Alshabaab.
Howlgalka laga fuliyay gobolka Galgaduud waxaa la sheegay in lagu
burburiyay godad Alshabaab ay ku kaydsan jireen sunta iyo alaadaha kale ee ay
ka sameeyaan walxaha qarxa.
Dowladdu waxay sheegtay in howlgalka lagu dilay dagaalamayaal badan oo
katirsan Alshabaab iyo horjoogayaal. Howlgalkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay
deegaan lagu magacaabo Gariyaale, halkaas oo lagu khaarijiyay 18 xubnood oo
Shabaab ah. Warbaahinta Dowladda ayaa barteeda telegraamka faafisay sawirrada
maydadka Alshabaab.
Taliyaha Guutada 16-aad Ciidanka kumaandooska Danab XDS G/Dhexe Axmed
Cabdullaahi Nuur Beeryare, ayaa sheegay in dowladdu ay sii wadayso howlgalkan
illaa laga ciribtirayo Shabaabka ku dhuumaalaysanaya deegaanada hoos yimaada
degmada Galcad.
Galcad ayaa kamid ah degaanadii laga xoreeyay Alshabaab, horraantii
sanadkan, inkastoo Shabaabku ka geysteen mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha
badnaa oo uu ku geeriyooday taliye ku xigeenkii ciidanka Danab, Xasan Tuure.
0 Comments:
Post a Comment