GURIGA »
Soomaaliya
» Shirka Wadatashiga ee ka socday Muqdisho oo laga soo Gabagabeeye
Waxaa maalintii Khamiistii magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shir
wadatashi ah oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan
Sheekh Maxamuud, kaasi oo looga hadlayay xaaladda dalka.
Shirkan oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamza Cabdi Berri, Guddoomiyeyaasha
Baarlamaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Guddoomiyeyaashii hore ee
Baarlamaanka, Madaxweynayaal hore iyo Ra’iisal Wasaareyaal iyo siyaasiyiin kale
oo caan ah.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in ka qeybgalayaashu ay ka doodeen
lix qodob oo kala ah Hannaanka Doorashada, Hanaanka Madaxweynaha, Hanaanka
Xisbiyada badan, Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mideynta Shuruudaha Hay’adaha
Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada, iyo hannaanka dhameystirka dib u
eegista Dastuurka. .
Madaxtooyadu ma aysan shaacin wax heshiis ah oo laga gaaray qodobadii laga
wada hadlay, balse Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Berri ayaa shirka ku tilmaamay
mid horumar leh.
Natiijadii ka soo baxday shirkii golaha wadatashiga qaran ee Muqdisho lagu
qabtay bishii May ee la soo dhaafay ayaa muran badan ka dhaliyay dhinacyada
siyaasadda Soomaaliya.
Shirka wadatashiga ah ee ay isugu yimaadeen madaxda dowladda federaalka iyo
mas’uuliyiintii hore ayaa ahaa mid ay dowladda Soomaaliya ku dooneysay in ay ku
qanciso dhinacyada siyaasadda isku haya in ay aqbalaan natiijadan, inkastoo
aysan muujin horumarro laga gaaray arrintan inkastoo shirka Muqdisho lagu soo
gaba gabeeyay.
0 Comments:
Post a Comment