GURIGA »
abaaraha
» Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay wafdi ay hogaaminayso Ku-simaha Safiirka Finland
Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud
Macallim Cabdulle oo ay wehliyaan Lataliya-sare iyo Agaasimayaal ayaa maanta
xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ay hogaamineysay Emma Pajunen oo ah qunsulka u
qaabilsan Waxbarashada iyo horumarinta bulshada isla markaana ah ku Simaha
Safiirka dalka Finland iyo Ida Rasanen oo ah isuduwaha arrimaha siyaasadda iyo
horumarinta.
Kulankaan oo isbarasho ku bilawday labada dhinac ah ka dib ayaa ku
simaha Safiirka dalka Finland ahna qunsulka u qaabilsan Waxbarashada iyo
horumarinta bulshada warbixin kooban ka siisay
Guddoomiyaha SoDMA howlaha guud ee dalka ka qabtaan iyo teegeerada
Mashaariicda maaliyadeed ay dalka Soomaaliya kaga qayb qataanaan hormarintiisa
iyo Hay’addaha kala duwan ay la shaqeeyan ayaa aad u soo dhaweeysay soo
dhaweeyntii wanaagsaneed ee lagu soo dhaweeyay Xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa dhankiisa warbixin kooban ka siiyay
xilliga la aasaasay Hay’adda SoDMA iyo howlaha balaaran ay ka qabatay Abaaraha,
Fatahaadaha, Gargaarka iyo Gurmadka degdega ah mudadii yareed ay Hay’adda
jirtay,
una sheegay in ay sii laba jibaari doonaan, Guddoomiyaha ayaa ku amaanay
Dowladda Finland howlaha ay dalka ka qabato uguna mahadceliyay Masuuliyiinta ka
socotay Safaarada Finland booqashada ay ku yimadeen Xarunta SoDMA.
0 Comments:
Post a Comment