Thursday, August 18, 2022

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo saaray Dikreeto madaxweyne

Xasan Sheekh


 Madaxweyne Xassan Sheekh Maxmauud, ayaa digreeto madaxweyne ku magacaabay guddiag maamulka hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka

War-saxaafadeed laga soo saaray Villa Soomalaiya ayaana sidan u qornaa.

MEEL-MARINTA GO’AANKA GOLAHA WASIIRRADA EE MAGACAABISTA XUBNAHA GUDDIGA MAAMULKA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA

Muqdisho, Ogoosto 18, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya go’aanka shirka Golaha Wasiirrada ee Sumaddiisu tahay SHGW.00.01.08.202 ayaa wareegto Madaxweyne ku soo saaray Xubnaha Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA).

Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta ay dowladdu siinayso howlaha gurmadka iyo samata-bixinta dadkeenna dhibaateysan, waxa uuna Golaha Xukuumadda ku bogaadiyey ansixinta iyo soo gudbinta Xubnaha Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo Goluhu cod buuxa ku ansixiyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duulaya codsiga Xukuumadda, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa wareegto Madaxweyne ku soo saaray Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo kala ah;

  1. Mudane Maxamuud Macallin Cabdullaahi- Guddoomiye
  2. Dr. Axmed Cabdi Aadan. Guddoomiye Ku-Xigeen
  3. Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan Agaasime
  4. Marwo Luul Axmed Coloow Agaasime
  5. Mudane Cabdirisaaq Axmed Cali Agaasime

Madaxweynaha ayaa u rajaynaya Guddigan in Alle uu u fududeeyo gudashada masuuliyadda Qaran ee loo xilsaaray, isagoo kula dardaarmaya in ay si daacad ah oo hufan ay ugu adeegaan dadkooda Soomaaliyeed iyo dalkooda.


Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog