GURIGA »
caalamka
» Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo helay casuumaad uu kaga qeyb galayo shirka cimilada ee COP28 ee ka dhacaya magaalada Dubai
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa
Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isku-tagga
Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya,
Axmed Juma Al Rumaithi, iyagoo ka wada hadlay xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya
labada dal iyo sidii loo sii joogteyn lahaa.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Dowladda Imaaraadka uga mahadceliyey taageerada
dhinacyada badan ee ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga,
horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadamnimada.
Danjire Al Rumaithi ayaa mahadcelin ka dib, wuxuu Xukuumadda #Danqaran ku
bogaadiyey horumarrada ay ka sameysay dhinacyada sugidda amniga iyo dowlad
wanaagga, wuxuuna adkeeyey sida ay Imaaraadka uga go’an tahay sii joogteynta
taageerada uu siiyo Soomaliya.
Danjire Al Rumaithi, ayaa ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Xamsa soo
gaarsiiyey casuumaadda shirka Isbeddelka Cimilada ee COP 28 oo ka dhacaya dalka
Imaaraadka bisha DECEMBER 2023.
0 Comments:
Post a Comment