GURIGA »
Soomaaliya
» Soomaaliya waxay ka mahadcelinaysaa taageerada Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu hadiyo jeer la garab taagan yahay
Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, “Ilaahay ha xifdiyo” waxa uu Dowladda
Soomaaliya u fidiyay gargaar bini’aadinimo oo deg deg ah oo qiimaheedu dhan
yahay 35 milyan oo Dirham, si loogu taageero dadaallada horumarineed ee ka
socda dalkan walaalaha ah.
Awaamiirta uu Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan ku bixinayo gargaarkan
ayaa waxa ay ku soo beegantay qaab dhismeedka xiriirka walaaltinimo ee ka
dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah. Hindisahani waxa uu xaqiijinayaa sida
ay Imaaraadku u jecel yihiin inay taageeraan oo ay caawiyaan walaalahooda, iyo
dadaalka ay ugu jiraan horumarinta xidhiidhka laba geesoodka ah ee ay la
leeyihiin Soomaaliya.
Hindisaha Imaaraatka Carabta ayaa ujeedkiisu yahay in uu gacan ka geysto
sidii loo dabooli lahaa baahiyaha dadka Soomaaliyeed ee dhinacyada kala duwan
ee horumarinta, si loo wanaajiyo xaaladaha nololeed ee dadka iyo kor u qaadista
awoodda dowladda ee wax ka qabashada caqabadaha bini'aadantinimo ee Soomaaliya.
Imaaraatka Carabta oo uu hogaamiyo Sheikh Mohammed bin Zayed ayaa ahaa dowladii
ugu horeysay ee Soomaaliya ka taageerta dhibaatooyinka. Waa dalkii ugu horeeyay
ee ka jawaaba baaqii ay dowladda Soomaaliya ee ahaa in gurmad deg deg ah lala
soo gaaro dadka ay abaaruhu saameeyeen
Waxa kale oo ay “samaysay buundada hawada ee sahayda lagu daabulo, waxaanay
soo dirtay markab siday in ka badan kun tan oo cunto iyo sahay gargaar kala
duwan ah.” Si loo bixiyo baahiyaha qiyaastii 2.5 milyan oo qof.”
Dadaallada Imaaraadku ku doonayo in lagu fududeeyo laguna taageero dadka ay
saamaysay adduunka oo dhan, gaar ahaan sahayda ay sida degdegga ah u siiso
Soomaaliya iyada oo loo marayo gargaarkeeda iyo hay’adaha samafalka.
“La yaab kuma aha caruurtii uu dhalay Sheekh Zayed bin Sultan Al
Nahyan, Allaha u naxariistee. Gacmihiisu cad-cad ayaa gaadhay meel kasta oo
adduunka ka mid ah.”
0 Comments:
Post a Comment