GURIGA »
Soomaaliya
» Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray Aqoon-iswaydaarisga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Xamsa Cabdi Barre ayaa soo xiray Aqoon is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta
Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya oo saddexdii maalmood ee u dambaysay ka
socday Caasimadda Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyey Golaha Wasiirrada in ay ficil u
beddelaan aqoonta iyo waayo aragnimada casriyeynta dowladnimada ee madasha lagu
soo bandhigay, taas oo ay ka qeyb qaateen khuburada hormarinta dowladnimada ku
taqasusay.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in shacabka iyo dowladda
Soomaaliyeed ay awoodaan in ay ka gudbaan caqabadaha amniga, kala qeybsanaanta,
musuqmaasuqa iyo saboolnimada, isagoo sheegay in qorshahan qaran uu yahay
jidkii inagu hagi lahaa rumeynta himilooyinka dowladnimo iyo in aan la tartanno
dhiggeena.
“Safarka loo galayo isbeddelka iyo horumarka dowladnimada casriga ah waxa
uu u baahan yahay ka go’naansho wadareed oo mug leh, iyadoo Soomaaliya ay
galeyso marxalad cusub, waxaanan ku boorrinayaa qof kasta oo idinka mid
ahi in uu isbaddelka uga qeyb qaato si daacadnimo leh”.
Aqoon is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee
Soomaaliya oo soconayey muddo saddex maalmood ah, ayaa waxaa qeyb ka ah
dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada, khubaro caalami ah iyo madax aqoon durugsan
u leh horumarinta iyo casriyeynta dowladaha.
0 Comments:
Post a Comment