Friday, September 9, 2022

Dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa weli ka socda gobollada Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya

 

Al-Shabaab

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta maleeshiyaadka kooxda Macawiisleyda ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Geed-weyne oo hoostaga degmada Jalalaqsi oo ka tirsan gobolkaasi, halkaas oo ay sidoo kale ku suganaayeen xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Maleeshiyaadka Macawiisleyda ayaa weerarka la beegsaday saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaankaasi, waxaana kadib qarxay dagaal culus oo foolka fool ah.

Horjoogayaal u hadlay Macawiisley ayaa shaaca ka qaaday in duulaankooda uu jawaab u yahay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku leysay dadkii shacabka ahaa ee Sabtidii ka dhacay gudaha deegaanka Afar Irdood oo dhaca duleedka magaalada Beledweyne.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay khasaare lixaad leh gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla-markaana ay ka dileen ugu yaraan illaa 50 xubnood, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegteen maleeshiyaadka Macaswiisleyda oo kaashanaayo ciidamada dawlada

Tan iyo markii Al-Shabaab ay labaatan qof oo shacab ah ku toogteen deegaanka Afr Erdoud ee gobolka Hiiraan, waxaa sii kordhayay weerarada ay geysanayaan ciidamada deegaanka oo jawaab u ah dhaq dhaqaaqyada iyo falalka foosha xun ee Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dhawaan xasuuq bahalnimo ah u geystay shacabka reer Hiiraan, waxaana ay ku dileen ku dhawaad ​​20 qof oo rayid ah oo isugu jiray haween, caruur iyo dad waayeel ah, sidoo kale waxaa ay burburiyeen gawaari ay raashiin u rarneyd xilli habeen ah ay weerar ku qaadeen deegaan ku dhow magaalada Beledweyne oo qiyaastii 300 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho. .

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo milatari oo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Isku dayga dowladda cusub ee lagu ciribtirayo argagixisada Soomaaliya laguna faafinayo amniga iyo badqabka ayaa wali sii socda

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog