GURIGA »
Soomaaliya
» Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Xamse oo warbixin ka dhageestay hay’adda SICPA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul
Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Bare ayaa warbxin
ku aaddan hawlaha la xiriira dhismaha hay’adda iyo doorkeeda shaqo ka dhagaystay
Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali iyo xubno ka tirsan
Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed (SICPA).
Madaxweyne Xasan ayaa kulanka lagula wadaagay muhiimadda ay dalka u
leedahay dhismaha hay’addan oo door wanaagsan ka qaadan doonta soosaarista
xisaabiyeyaal la aqoonsanyahay oo xirfad sare leh kuwaas oo qayb ka noqon doona
dadaallada sare loogu qaadayo hannaanka maaraynta nidaamka maaliyadeed, shaqo
abuurka, hufnaanta hay’adaha maaliyadeed, dhiirigalinta maalgashiga shisheeye
iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhankiisa tilmaamay in la dardargaliyo
dhammaystirka dhismahaha hay’adda isaga oo xusay baahida loo qabo xisaabiyeyaal
xirfad leh maadaama dalku uu ku jiro xaalad dib u soo kabasho iyo horumar
dhinacyo badan taabanaya.
xasan sheekh maxamuud ayaa intii laa doortey kuhawlan sidii kor loogu qaadi
lahaa dhaqaalaha wadanka isagoo hanti dhowrka iyo hay,ada isla xisaabtanka kor
u qaadaya.
Waxaan uga mahadcelineynaa Madaxweynaha Soomaaliya dadaalka uu ugu jiro
horumarinta dalka oo afartii sano ee la soo dhaafay aan wax tallaabo ah qaadin
0 Comments:
Post a Comment