GURIGA »
Soomaaliya
» Ciidamada DFS oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa la wareegay deegaano cusub oo katirsan Hiiraan
Militirga Soomaaliya oo Garabka helayo Xoogga Degaanka Ayaa Xalay La
Wareegay Degmada fiidow ee Xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee
Dowlad Gobolkeedka Hir-shabelle,
Saraakiisha Xoogga Dalka ayaa Sheegay inay Ciidamada Dowladda Qabsadeen
habeen barkii Xalay Degmada fiidow , Buurweyn yo Degaanka Xararlugoole oo
katirsan Fiidow,
Kornel Cabdinaasir Sheekh Cali Gaabow oo Kamid ah Saraakiisha Militirga
Soomaaliya Ayaa Sheegay inay Saakay Ciidamada Dowladda Gudaha u galeen Fiidow,
Buurweyn iyo Xararlugoole kadib Markii Xalay Ciidamadu hareeraha aay dageen,
Waxuu tilmaamay inu Howlgalkan ahaay Mid qosheeysan oo Dowladda Federaalka
Soomaaliya iyo Shacabka oo iskaashanayo Aay fuliyeen,
Degmada Fiidow Ayaa Kamid ah Meelaha ugu Muhiimsan Kooxada Al-shabaab
hayeeshee inay Gacantood ka-baxaday ayey Dowladda Federaalka Guul kaga
dhigantahay,
Kacdoonka dadweyne ee kaashanaya dowladda ee deegaanadaas looga xoreeyay
al-Shabab, ayaa ka dhashay markii ay dadweynuhu u dulqaadan waayeen tacadiyada
joogtada ah ee dilka iyo xadgudubyada kale ee ay ku hayeen kooxaha argagixisadu
bulshada rayidka ah ee deegaanadaas, iyagoo deegaanadaas ka soo abaabulayay
weerarada qaraxyada iyo kuwa naf-haligga ah,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii Al-Shabaab looga xoreyn
lahaa guud ahaan dalka, waxaana ka socda qeybo badan oo kamid ah gobolada
dalka.
Sidoo kale Dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay shacabka ka dulqaado
tacadiyadda Al-Shabaab ee 15-sano jirsaday, “Waxaa dowladda ka go’an in la
ciqaabo dambiilayaasha,” ayaa lagu yiri warkaan.
0 Comments:
Post a Comment